SAWIRRO: Taageerayaasha FC Cologne oo xalay madax xanuun ku ridey booliiska London! (Waxyaabo yaqyaqsi leh oo ay ku keceen!)

(London) 15 Sebt 2017 – Kooxda Arsenal ayaa xalay guul ay u qalantey ku bilaabatay koobka EL oo ay 3-1 kaga faraxalatay kooxda FC Cologne.

Balse ciyaartan Europa League waxaa ku dhex socotey ciyaar kale, waxaanay ahayd 20 kun oo taageere oo Colognese ah oo usoo daawasho tegey ciyaartan oo aysan sharci ahaan xaq u lahayn inay tigidho intaa la eg helaan maaddaama ay ‘away’ ahaayeen.

Yeelkeede, taageerayaashan oo xusayay 25 sano kaddib oo ay kooxdoodu dib ugu soo laabatay saaxadaha Yurub, balse waxay sidoo kale dhigeen falal badan oo laga yaq-yaqsoodo.

Taageerayaasha Jarmanka ah oo aan akhyaar wada ahayn ayaa madax xanuun ku ridey booliiska London iyo nidaamiyayaasha garoonka Emirates Stadium, waxaa la sheegay inay doonayeen inay garoonka xoog ku galaan, inay jidadka ku kaadsheen, inay sameeyeen salaantii Nazi-ga iyo waxyaabo kale oo badan.

b B1 B2 B3 B4 B5 B6 B7 B8 B9 B10 B11 B12 B13 B14 B15 B16 B17 B18 B19 B20 B21 B22 B23 B24 B25 B26 B27 B28 B29 B30 B32

b

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close