Marcelo oo ka hadlay xiddigii ugu fiicnaa uu ka garab ciyaaro iyo kii ugu adkaa uu ka hor yimaado

Real Madrid's defender from Brazil Marcelo looks on during the UEFA Champions League football match Real Madrid CF vs APOEL FC at the Santiago Bernabeu stadium in Madrid on September 13, 2017. / AFP PHOTO / PIERRE-PHILIPPE MARCOU

(Madrid) 15 Sebt 2017. Marcelo ayaa shalay heshiis waqti dheer oo ku eg ilaa 2022 qalinka ugu duugay kooxda Real Madrid.

Daafaca reer Brazil ayaa shirkiisa jaraa’id lagu waydiiyay xiddigihii ugu fiicnaa uu ka garab ciyaaro iyo kuwii ugu adkaa uu ka horyimaado.

“Waxaan la soo ciyaaray xiddigo waa wayn sida Ronaldo, Ronaldinho, Ruud van Nistelrooy..

Tan ugu adkeyd ee la waydiiyo ayaa ahayd inuu doorto kii ugu fiicnaa uu ka soo garab ciyaaro.

“Laakiin maadaama aan waqti dheer tababarka la qaadanayay  isla markaana aan baasas siinayay iyo dabaal degyada goolasha, waxaan dooran lahaa Cristiano Ronaldo.

Marcelo oo misane ka hadlaya laacibkii ugu adkaa uu ka horyimaado ama dhibka ugu badan uu ka maro raacashadiisa ayaa ku jawaabay:

“Kii ugu adkaa inaan joojiyo waxaan aaminsanahay inuu ahaa Neymar, kaa oo aan la ciyaaro xulka qaranka.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close