Kooxda Inter Milan oo markale weerar ku qaadaysa PSG oo ay ka rabto Rabiot

(Milano) 15 Sebt 2017 – Kooxda Inter Milan ayaa sida lasoo werinayo waxay bartilmaameedsanaysaa laacibka khadka dhexe ee Paris Saint-Germain ee Adrien Rabiot.

Sida ku qoran Calciomercato.com, wuxuu warkani imanayaa kaddib jeer la ogaa in maareeyaha ciyaaraha ee Inter ee Walter Sabatini uu isku dayay inuu soo qaato Rabiot xilligii uu – waa maareeyehee – Roma joogey 3 sano ka hor.

Yeelkeede, xilligaa wuxuu Sabatini ku guuldarraystay inuu macallinkii xilligaa ee Rudi Garcia ka raarido in kooxda Giallorossi dhismeheeda laga bilaabo 22-jirkan.

Rabiot ayaa qandaraaskiisa PSG kordhiyay ilaa 2019, balse kooxda reer Talyaani ayaa qabta inay qancin karto labada dhinac si ay u soo qaadato xiddig-yarahan sida uu qorayo L’Equipe.

b6

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close