Jose Mourinho oo u careysan Pogba xilli uu laacibku dhaawac la il daran yahay!!!

jose

(Manchester) 15 Sebt 2017. Jose Mourinho ayaa aad ugu carreysan Paul Pogba kaa oo garoomada ka maqnaan doona ilaa 6 usbuuc.

Macallinka reer Portugal iyo shaqaalihiisa ayaa ku eedeeyay xiddiga qadka dhexe inuu iska dhago tiray talo iyo waano ay u soo jeediyeen waaxda caafimaadka kooxda oo ku aadan dhaawaca muruqa.

Pogba ayaa garoonka ka baxay isagoo dhutinaya iyadoo markii dambana la arkayay isagoo biro ku kutubaya kaddib ciyaartii ay 3-0 uga adkaadee Basel tartanka Champions League maadaama uu gaaray dilaac muruqa ah.

Paul Pogba was injured as Man Utd beat Basel 3-0 in the Champions League

Dahaawac sidan oo kale ah ayuu saddex kulan ku seegay kal ciyaareedkii tagay, waaxda caafimaadka kooxda ayaana kolkaa siiyay tilmaamo cad oo sida looga hor tago inuu dhaawacan ku soo laab laabto.

Laakiin Pogba ayaa taa badelkeeda daweyn ka helayay qof shaqsi ah oo wax tababara halkii uu qaadan lahaa talada iyo waanada waaxda caafimaadka kooxda taa oo aad uga careysiisay Jose Mourinho.

Jose iyo kooxda caafimaadka ayaa iminka aaminsan inay dhago adeegaasi ka dhigtay Pogba inuu noqdo mid u nugul dhaawaca.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close