Ganaaxii Marcelo oo la Qafiifiyay kaddib markii la aqbalay Racfaanka Real Madrid

marrr

(Madrid) 15 Sebt 2017. Waxaa la aqbalay racfaankii ay Real Madrid ka gudbisay labadii kulan ee ganaaxa ee la dul dhigay Marcelo kaddib markii uu laad ku dhuftay xiddiga Levante ee Jefferson Lerma.

Sidaa darteed laacibka reer Brazil ayaa iminka seegi doona oo qura kulanka axada ay Los Blancos la yeelan doonto Real Sociedad.

Wuxuu dib garoomada ugu soo laabanayaa arbacada 20 ka bishan kolkaa ay kooxda Zidane kulan horyaalka ah la ciyaari doonto naadiga Real Betis.

Da’yarka reer France Theo Hernandez ayaa buuxin doona booska Marcelo kulanka axada ay ku soo ciyaarayaan Estadio Anoeta waana tijaabo adag uu mari doono.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close