Andre Silva oo xalay jebiyay rikoodh uu 11 sano kahor Kaka dhigay!!

(Vienna) 15 Sebt 2017 – Qannaaska cusub ee kooxda AC Milan ee Andre Silva ayaa noqday laacibkii ugu horreeyay ee Europe seddexleey ka ansixiya tan iyo 2006 oo uu Liete Kaka, ciyaartii ay xalay 5-1 kusoo garaaceen Austria Vienna.

Laacibkan 21-jirka ah ee reer Portugal oo xagaagan Milan kaga soo biiray dhanka FC Porto ayaa xalay 3 gool u dhaliyay Rossoneri, kulan-bilowga guruubka D ee Europa League, iyadoo ay goolasha kale Milan u dhaliyeen Hakan Calhanoglu iyo Suso.

Andre Silva ayaa u mahadceliyay ciyaartooyda Milan gaar ahaan Calha oo uu qado gaar ah u ballan qaaday iyo Kalinic.

“Waxay ahayd kulankaygii iigu horreeyay ee aan kusoo bilowdo Europa League, waxaan dhaliyay seddexleey waxaana abaal uga hayaa saaxiibadeey. Bandhig wanaagsan baannu samaynay,” ayuu Silva u sheegay Sky Sport Italia.

b6

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close