Ronaldo oo doonaya in Real Madrid ay markale hanato Champions League

(Madrid) 14 Seb 2017 Cristiano Ronaldo oo xalay guul ku hogaamiyay kooxdiisa Real Madrid ayaa doonaya inay ku guulaystaan Champions League xiliciyaareed kan.

Laacibka reer Portugal ayaa ka caawiyay kooxdiisa ku guulaysiga Champions League labadii sano ee ugu danbaysay.

Wuxuuna xalay guul farta ka saaray kooxdiisa kadib markii uu 2-gool ka dhaliyay kooxda APOEL oo ay uga adkaadeen 3-0.

“Waan ku faraxsanahay inaan dib u soo laabto, koobkaan waa mid gaar ah, inaan gool dhaliyo waa arin muhiim ah, waxaan dareemayaa qanacsanaan” ayuu yiri Ronaldo.

“Wali waxaa noo haray wado dheer, waxaan ciyaaraynaa kulanba kiisa ka danbeeya, waxaa haboon inaan xooga saarno kulamada wareega guruubyada kadibna aan aragno”.

“Dabcan waxaan doonaynaa inaan ku guulaysano koobkaan, Champions League waa tartanka Real Madrid, waxaanan doonaynaa inaan ku guulaysano”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close