RASMI: Marcelo oo heshiiska u kordhiyay Real Madrid +SAWIRRO

(Madrid) 14 Seb 2017 Daafaca reer Brazil ee Marcelo ayaa qalinka ugu duugay kooxdiisa Real Madrid heshiis cusub.

Marcelo ayaa saxiixay heshiis ku eg ilaa 30 June 2022, wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay saxiixida heshiiska cusub.

Wuxuu wax lagu faano ku tilmaamay inuu ka mid noqdo taariikhda kooxda boqortooyada Spain.

“Waan ku faanayaa inaan galay taariikhda Real Madrid, waxaan dareemayaa farxad iyo nasiib” ayuu yiri Marcelo.

“Inaan saxiixo heshiis ku eg ilaa 2022 waa riyo ii rumowday”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close