QIIMAYNTA: Xulal waawayn oo hoos u dhacay & Somalia oo safwanaaje ka noqotay!

(Zurich) 14 Sebt 2017 – Xulka Talyaaniga ayaa 5 kaalmood hoos u dhacay qiimaynta FIFA ee billaha ah, kaddib markii ay 3-0 uga badiyeen Spain, tiiyoo ay 1-0 iyaguna uga badiyeen Israel, waxaana la yaab leh inay haatan ka hooseeyaan Peru iyo Wales.

Xulalka Talyaaniga ka sarreeya waxaa ka mid Peru, Wales, Uruguay, England iyo Mexico, waana booskii ugu liitey ee uu xulka Azzurri galo tan iyo 17-kii Luulyo 2015. Halkan ka eeg.

Germany ayaa ka dul boodey Brazil si ay ugu soo laabtaan kaalinta 1-aad, halka Somalia iyo Eritrea iyo jasiirado gacan muggeed ah sida Gibraltar, Tonga, the Bahamas, iyo Anguilla ay hoos ka wada hoggaaminayaan iyagoon wax dhibic ah lahayn.

Qiimeeynta adduunka ee FIFA
1) Germany
2) Brazil
3) Portugal
4) Argentina
5) Belgium
6) Poland
7) Switzerland
8) France
9) Chile
10) Colombia

—————
16) Uruguay
17) Italy
18) Croatia

b

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close