Iker Casillas oo rikoor kala sinmay Ryan Giggs

15053323660977

(Porto) 14 Sebt 2017. Kaddib markii uu ku soo bilowday kulankii Champions League-ga ee ay Porto la dheeshay Besiktas arbacadii – Iker Casillas waxa uu bar bareeyey rikoorkii Ryan Giggs ee ahaa in uu ciyaaray 19 Champions League oo isku xiga.

 36 jirka kulankiisii ugu horreeyey waxa uu Los Blancos ula saftay 15, 1999 ciyaar ay wada dheeleen Olympiakos isaga oo jira 18 sano, wixii intaa ka dambeeyey waxa uu ciyaaray 169 kulan.

 

Casillas waxa uu sidoo kale haystaa rikoorka ciyaaryahanka ugu safashada badan Champions League-ga – waxa uu ka horreeya Xavi Hernandez (157) iyo Ryan Giggs (151).

Sida ay sheegeyso xogta UEFA, Casillas waxa uu dheelay 176 kulan oo tartanka Europe ah taas oo ka badan inta Paolo Maldini (174) iyo Xavi (173) oo kaaalmaha labaad iyo saddexaad ku kala jira.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close