Costacurta : Milan waa in ay maskaxda ka kortaa

344772

(Milan) 14 Sebt 2017. Alessandro Costacurta waxa uu qabaa in Milan ay bilowdo kobcinta maskaxdeeda kaddib guuldaraddii Lazio.

Dhinaca  Vincenzo Montella waxaa 4-1 ku  saqiir suujiyey Biancocelesti toddobaadkan waxa ayna caawa Europa League-ga ku wajahayaan Austria Vienna.

“Milan tani waxa ay u tahay soo kabasho,” dib u curasho,” ayuu Costacurta u sheegay Gazzetta dello Sport.

“Waa wadadii ay ku bilaabi lahaayeen in ay noqdaan kooxdii markale, fikta sare ee buurta Olympus, arin caadi soo ahayd sanado badan.

“Xittaa wey ka fiican tahay in dib loogu bilaaboo halkan, Europa League waa marxaladda ugu hagaagsan in la’isaga jafo jugtii Lazio.

“Marka uu Montella ka hadlayo carqalado dibadda ah, wuu saxan yahay. Farsmao ahaan waxaan arkaa qaladaad la sixi karo.

“Midda ugu daran waa in aysan jirin falcelin goolasha kaddib. Waan jeclahay Montella, maxaa yeelay waxa uu dheela dheel duullaan. Hadda waxa uu aadi doonaa saddex gaashaandhig laakiin ma qabo taasi in ay furaha tahay.

“Waxaan diiradda saari lahaa safka iyo xogaha, waa in uu ka shaqeeyo maskaxda.

“Dharbaaxooyinka si xoog leh ayaa loo qaataa durbadiibana waa la soo dhaweeyaa, taasi waa sida ciyaaryahanada inta uga gudbaan diiradda u saari karaan waxyaabaha xaqiiqda ah.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close