Cabdi Najiib Nuur Benteke oo ku biiray kooxda FC Banaadir

(Muqdisho ) 14 Sebt 2017. Xiddigii hore Elman Cabdi Najiib Nuur Benteke ayaa ku biiray kooxda Banaadir FC,oo dhawaan kusoo guuleysatay horyaalka heerka labaad ee Soomaaliya.

Ciyaaryahankaan oo kooxo kala duwan usoo ciyaaray, ayaa ugu dambeyn iska dhiibay naadiga FC Banaadir uu xili kala dhaxeeyay xifaaltan xoogan waayihii uu ku sugnaa kooxda Rajo ex Dahabshiil.

Benteke oo la hadlay Gool FM ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay ku biirista FC Banaadir,isagoo carbka ku dhuftay in goolal muhiim u ah kooxda uu u dhaliyay kulamadii Tijaabada.

IMG_6285

Xiddiga ayaa dhaliyay saddex gool ciyaar  tijaabo ah oo ay kooxdiisa guuldarro 4-3 kala kullantay naadiga Heegan.

Cabdi Najiib Nuur Benteke  ayaa kusooo baxay degmada Waabari,isago kaddib  u ciyaaray Da’yarta Heegan waxaana uu kusii biiray kooxda heerka labaad ee Rajo.

Sidoo kale xiddiga ayaa waqti kusoo qaatay kooxaha ugu waaweyn dalkeena sida  Banaadir S.C, Elman iyo kooxda heerka labaad u noqotay ee Bariga Dhexe.

IMG_6290

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close