Mourinho oo ka hadlay dhaawaca Paul Pogba

(Manchester) 13 Seb 2017 Laacibka qadka dhexe ee Manchester United ee Paul Pogba ayaa dhaawac looga saaray xalay kulankii kooxdiisu ay 3-0 uga adkaatay kooxda FC Basel.

Tababare Jose Mourinho oo ka hadlay dhaawaca Paul Pogba ayaa sheegay inuu ka maqnaanayo garoomada muddo isbuucyo ah.

Mourinho ayaa intaa ku daray inuu khibrad u leeyahay dhaawaca dhanka muruqa ah, wuxuuna sheegay in ka soo caafimaadkiisu ay qaadanayso ilaa dhawr isbuuc.

Jose oo la waydiiyay waqtiga uu maqnaanayo Paul Pogba ayaa ku jawaabay:

“Ma garanayo, laakiin khibradahaygii hore ayaa ii sheegaya inuu yahay dhaawac dhanka muruqa ah, khibradaydu waxay leedahay dhaawaca muruqa ah wuxuu kaa fogaynayaa garoomada muddo isbuucyo ah sidaan rumaysanahay”.

“Waxay iila muuqataa inuu dhaawac ka soo gaaray muruqa dambe ee bowdada laakiin ma jirin wadahadal na dhex maray aniga iyo kooxda caafimaadka”.

“Ma nihin koox ka ooysa dhaawacyada, sidaas darteed haddii Pogba uu ka maqnaado kulanka axada ee Everton waxaan haysanaa Herrera, Carrick, Fellaini iyo Matic”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close