“Zidane wuxuu ii sheegay inaan ugu shidanahay inta Bidixda ku ciyaarta tan iyo Lionel Messi.”.

zi

(Madrid) 12 Sebt 2017. Bisha u soo baxeysa Real Madrid ee Marco Asensio ayaa daaha ka rogay in Zinedine Zidane uu u sheegay inuu yahay kii ugu fiicnaa uu arko inta Bidixda ku ciyaarta tan iyo Lionel Messi.

Da’yarka reer Spain ayaa si cajiib ah ku bilowday kal ciyaareedka cusub isagoona afar gool u dhaliyay Real Madrid lix kulan uu ciyaaray.

Bandhigay 21-jirka ayaa waxaa aad ula dhacay tababaraha reer France ee Zidane oo la bar bar dhigay Lionel Messi oo shaki la’aan ah kan ugu fiican kubbada cagta adduunka.

“Zidane wuxuu ii sheegay inuusan arag Bidexdeyda oo kale tan iyo Lionel Messi,” Asensio ayaa sidaa u sheega COPE.

“Waan u riyaaqay maxaa yeelay Lionel Messi waaba kubbada cagta jabkeed.”.

Kabtanka xulka Argentina ayaa ilaa iminka muujinaya inaysan Barcelona tabin Neymar kaddib markii uu guulo ku hogaamiyay 3 dii kulan ay ilaa iminka ciyaareen La Liga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close