Guddoomiyaha degmada Waabari oo xaflad dhiira gellin ah u sameysay ciyaaryahanadii kusoo guuleystay tartanka degmooyinka +SAWIRRO

(Muqdisho) 12 Sebt 2017.Degmada Waabari ayaa xaflad si heer sare loo soo aggaasimay ugu dabaal degtay hanashada koobka degmooyinka kaasoo dhawaan lagu soo gaba gabeeyay garoonka Banaadir.

Xafladaan oo ka dhacay  Taaladda Dhagax Tuur ee degmada Waabari  ayaa waxaa kasoo qayb galay marti sharaf  kala duwan  oo ay qeyb ka yihiin Xilidhibaan Dalxa, masuuliyiin ka socota maamulka gobolka Banaadir, La taliyaasha  madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar  ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa si isugu mid ah ugu amaanay heerka  Isboortiga degmada Wabari ay taagan tahay, iyagoo dhanka kale u mahad celiyay guddoomiyaha degmada Rowda C/laahi oo xafladaan u qabatay ciyaartooyda.

Gaba gabada xaflada ayaa shahaado sharaf waxaa la guddoonsiiyay ciyaartooyda degmada,taasoo ay ku muteysteen dadaalkii dheeree ay ku qaadeen koobka degmooyinka.

Sikastaba Waabari ayaa 3-1 ugu badisay degmada Hodan, ciyaartii kama dambeysta ee tartanka degmooyinka gobolka Banaadir.

_MG_0175 _MG_0185 _MG_0189 _MG_0195 IMG_0197 IMG_0198 IMG_0200 IMG_0204 IMG_0205 IMG_0210 IMG_0221 IMG_0229 IMG_0243   IMG_0257 IMG_0265 IMG_0281 IMG_0283 IMG_0289 IMG_0292 IMG_0306 IMG_0308 IMG_0311 IMG_0314 IMG_0321 IMG_0323 IMG_0342 IMG_0365 IMG_0386 IMG_0390 IMG_0394 IMG_0408 IMG_0409 IMG_0413

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close