Degmada Kaxda oo markii ugu horaysay laga hir galiyay garoon uu yaalo caws mac mal ah+SAIRRO

(Muqdisho) 12 Sebt 2017.Guul weyn ayaa u soo hoyatay degmada kaxda sida uu qabo guddoomiyaha degmadaas Maxamed Ismaaciil, kaddib markii laga hir galiyay garoon uu yaalo Caws mac mal ah.

Garoonkaan ayaa lagu magacaabaa Jillibeey, waxa uuna ku yaalo waaxda Abaadir degmada kaxda ee gobolka Banaadir.

Masuuliyiin kala duwan ayaa kasoo qeyb gashay furitaanka garoonkani waxaana qeyb ka ahaa guddoomiyaha degmada Kaxda mudane Maxamed Ismaaciil,xoghayaha degmada, guddoomiyaha ururka haweenka kaxda,maamulka Isboortiga degmada iyo marti sharaf goobjoog ahaa furitaanka garoonka cusub.

Nuur Shukri oo ah guddoomiyaha Isboortiga Degmada kaxda ayaa u mahad celiyay milkiilaha garoonka Cali Jilibeey,kaasoo  u suura galiyay in dhalinta degmada ay helaan garoon uu yaalo caws Mac mal ah.

Guddoomiyaha degmada Maxamed Ismaaciil oo isna goobta ka hadlay ayaa carabka ku dhuftay in furitaanka garoonka cusub ay tahay guul u soo hoyotay degmada, isagoo ugu dambeyn xariga ka jaray.

Milkiilaha garoonka Cali Jilibeey ayaa isna sheegay in furitaanka garoonkaan uu ka dambeeyay kaddib codsi ka yimid dhalinyarada ku sugan degmada oo ku aadan in ay helaan garoon uu yaalo caws Mac mal ah.

Sikastaba waa garoonkii ugu horeeyay ee uu yaalo caws mac mal ah kaasoo laga furay degmada kaxda ee gobolka Banaadir.

IMG_0018 IMG_0024 IMG_0029 IMG_0031 IMG_0037 IMG_0040 IMG_0047 IMG_0059 IMG_0070 IMG_0081 IMG_0085 IMG_0093 IMG_0098 IMG_0103 IMG_0106 IMG_0114 IMG_0119 IMG_0124 IMG_0131 IMG_0136 IMG_0140 IMG_0141 IMG_0144

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close