Rugcadaagii hore ee Chelsea Didier Drogba oo ka hadlay sida uu u arko Morata

rrrr

(London) 11 Sebt 2017. Halyeygii Chelsea Drogba ayaa ka dhawaajiyay inuu ku faraxsan yahay sida uu howsha ilaa iminka ku wado saxiixa cusub ee Blues Alvaro Morata.

Dhaliyaha reer Spain ayaa Chelsea uga yimid dhanka Real Madrid intii uu furnaa suuqa xagaagan wuxuuna durba dhaliyay saddex gool.

Morata ayaa shabaqa gaaray kulankii furitaanka ay Blues guul darada kala kulntay Burnley isagoo gadaal ka yimid wuxuu sidoo kale goolal dhaliyay kulamadii Everton iyo Leicester City.

“Wuxuu dhalinayaa goolal, xitaa kulankiisii ugu horreeyay markaa uu ka yimid keydka,” Drogba ayaa sidaa u sheegay Sky Sports mar wax laga waydiiyay Morata.

“Iminka wuxuu dhalinayaa goolal aan kulanka ku adkaaneyno sidaa darteed waan u faraxsanahay isaga dhab ahaantii sidoo kale kooxda.

“Aad ayay muhiim u tahay inaad goolal dhaliso, weeraryahan wuxuu bilaabayaa koox cusub dadkuna durba wax badan ayay ka filanayaan.

“Haddii aad maamusho rajooyinkaas ay dadku kaa qabaan waad faraxsan tahay goolashana way sii socon doonaan, waxaan rajeynayaa inuu yeelan doono xilli ciyaareed aad iyo aad u wayn maxaa yeelay waan u baahannahay midaa.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close