Zidane oo wajahaya dhibaato cusub ka hor kulanka Real Sociedad

(Madrid) 10 Seb 2017 Tababare Zinedine Zidane ayaa wajahaya dhibaato cusub kadib laba kulan oo xiriir ah oo uu barbaro galay horyaalka Spain.

Real Madrid ayaa u safri doonta Real Sociedad kulankooda xiga ee horyaalka Spain kadib barbarihii ay shalay la galeen kooxda Levante.

Marca ayaa daaha ka qaaday in tababare Zidane uu wajahayo dhibaato maadama ay kooxdiisa ka maqanyihiin Ronaldo, Benzema iyo Marcelo kulanka Real Sociedad.

Zidane ayaana u yeeri doona kulankaas laacibkiisa cusub ee Theo Hernandez kaas oo buuxin doona booska Marcelo.

Gareth Bale iyo Borja Mayoral ayuu ku fikirayaa inuu ku buuxiyo boosaska ay ka maqan yihiin Ronaldo iyo Benzema.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close