Waqtiga la samaynayo qorituurka koobka kooxaha aduunka oo la shaaciyay

Image result for club world cup 2017

(Dubai) 10 Seb 2017 Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay waqtiga la samaynayo qorituurka koobka kooxaha aduunka ee 2017.

Dalka Imaaraadka carabta ayaa martigalinaya sanadkaan, maanta ayaana la shaaciyay in qorituurka koobka la samaynayo 9-ka October ee sanadkaan.

Gudiga abaabulka koobka kooxaha aduunka ayaa la filayaa in isbuuca dambe ay shaaciyaan magacyada dadka caanka ah ee samayn doona isku aadka koobka sanadkaan 2017.

Kooxaha ilaa haatan xaqiijiyay inay ka qayb galayaan koobka kooxaha aduunka ee sanadkaan ayaa kala ah:

Real Madrid (Spain), Auckland City (New Zealand), Pachuca (Mexico) iyo Al Jazira (U.A.E), waxaana harsan 3-koox oo laga sugayo Afrika, Asia iyo koofurta America.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close