SERIE A: Inter oo Juventus ku ciriirinaysa hogaanka horyaalka kadib guul ay gaartay galabta +SAWIRRO

(Milan) 10 Seb 2017 Kooxda Inter Milan ayaa sii wada guulaheeda horyaalka talyaaniga xiliciyaareed kaan, waxayna 2-0 uga adkaatay galabta kooxda S.P.A.L. 2013 oo marti ugu ahayd San Siro.

27 daqiiqo Icardi ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Inter Milan kadib markii uu shabaqa ku hubsaday gool kulaad loo dhigay Inter oo muran badan dhaliyay, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

Inter ayaa iska khasaarisay fursado badan oo ay ku sii dheereysan kartay hogaanka ciyaarta, qaybtii hore ayaana lagu kala nastay 1-0.

Qaybtii labaad, labada kooxood ayaa weerar iyo weerar celis isku qaadayay, laakiin waxay iska khasaariyeen fursado dhawr ah.

87 daqiiqo Ivan Perisic ayaa hogaanka u sii dheereeyay Inter kadib markii uu shabaqa ku hubsaday kubadd uu ka helay daafaca reer talyaani ee Danilo D’Ambrosio, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-0.

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 2-0 oo ay guushu ku raacday kooxda tababare Spalletti.

Guushaan ayaa ka dhigtay Inter inay shaqaysatay 9-dhibic xiliciyaareed kaan, Juventus ayaana gool dhalin uga haysa hogaanka horyaalka.

Icardi ayaa hogaaminaya gool dhalinta horyaalka talyaaniga kadib markii uu dhaliyay goolkiisii 5-aad ee xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close