Ousmane Dembele oo shaaca ka qaaday sheeko dhexmartay isaga iyo Suarez kulankii Espanyol

Photo published for Ousmane Dembele sets up Luis Suarez for his first assist

(Barcelona) 10 Seb 2017 Weerar yahanka ku cusub Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa daaha ka qaaday sheeko dhex martay isaga iyo Luis Suarez kulankii Espanyol.

Ousmane Dembele oo keydka ku soo bilowday ayaa sheegay in Suarez uu ka codsaday inuu ka caawiyo sidii uu gool ku dhalin lahaa.

20 jirka reer France ayeey u suurogashay inuu gool ka caawiyo Luis Suarez oo horay uga codsaday, wuxuuna yiri isaga oo ka hadlay wixii dhex maray isaga iyo Suarez:

“Suarez? Wuxuu iga codsaday inaan ka caawiyo gool haddii aan ciyaarta soo galo qaybta dambe, sidii ayaanan sameeyay”.

“Waan ku faraxsanahay inuu gool dhaliyay, waxaan rajaynayaa inuu sii wado gool dhalinta oo aan sii wadno qaab ciyaareedka wanaagsan”.

“Waxaan doonaynaa inaan ku guulaysano Champions League iyo koob walba oo suurogal ah, waxaan rajeynayaa in xiliciyaareedkeenu uu noqdo mid fiican oo aan ku guulaysano koobab dhawr ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close