Maxaa sababay in tababare Rafa Benitez uu seego kulankii Swansea City?

(Newcastle) 10 Seb 2017 Tababaraha reer Spain ee Rafa Benitez ayaan ka soo muuqan kulankii kooxdiisu ay guusha ka gaartay kooxda Swansea City oo ay marti u ahaayeen.

Newcastle United oo aan haysan tababareheeda Rafa Benitez ayaa guul 1-0 ah ka gaartay Swansea City.

Rafa Benitez ayaa laga qalay Eerno isniintii hore, waxaana u suurogali waysay inuu u duulo Wales halkaas oo kooxdiisu ay kula ciyaaraysay Swansea City.

Xaalada caafimaad ee tababare Rafa Benitez ayaa haatan ah mid soo wanaagsanaanaysa sida ay sheegeen dad u dhaw tababaraha reer Spain.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close