Man United oo ku dalbanaysa Thomas Lemar isla qiimihii ay ku dalbatay Arsenal

Lemar

(Manchester) 10 Seb 2017 Kooxda Manchester United ayaa u muuqata mid kula dagaalamaysa Arsenal saxiixa laacibka Monaco ee Thomas Lemar.

Mirror ayaa baahisay in Man United ay diyaar u tahay inay ku dalbato Thomas Lemar lacag dhan 92 milyan oo Ginni si ay u hesho laacibka reer France.

Lemar

Arsenal ayaa isla qiimahaan ku dalbatay Thomas Lemar maalintii ugu danbaysay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda laakiin laacibka ayaa doortay inuu sii joogo kooxdiisa.

Sidoo kale Liverpool ayaa qayb ka ahayd kooxihii isku dayay saxiixa Thomas Lemar suuqii soo xirmay.

Laacibka ayaa sheegay inuu iska diiday u dhaqaaqida kooxo waa wayn suuqii soo xirmay, wuxuuna intaa ku daray inuu ku faraxsanyahay sii joogida Monaco maadama uu doonayo inuu hormariyo xirfadiisa.

Suuqa janaayo ee 2018 ayaa ah mid si wayn loogu loolami doono saxiixa 21 jirka reer France.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close