Kulamada Lazio-Milan iyo Udinese-Genoa oo halis ugu jira in la baajiyo + Sawirro

(Roma) 10 Sebt 2017 – Waxaa baaqasho halis ugu jira kulamada Lazio-Milan iyadoo Udinese-Genoa loo joojiyay roobab mahiigaan ah oo daadad iyo duufaanno wata.

Woqooyiga Talyaaniga ilaa bartamaha oo idil ayaa waxaa ka da’aya roobab laxaad leh kuwaasoo dalkaasi soo salaamey todobaad dhamaadkan.

Magaalada Genoa ayaa horraanba Sabtidii shalay ahayd la baajiyay ciyaartii Serie A ee dhexmari lahayd Sampdoria iyo Roma.

Halka shaqaalaha Stadio Olimpico ay garoonka ku dhejiyeen garoon shiityo waawayn oo dul saarnaa ilaa shalaytoole si uu roobku uga gudbo.

Yeelkeede, xaaladdu way kasoo daraysaa saaka iyadoo jidad badan oo Roma ay daadad ka socdaan, halka meelaha qaar aysan koronto lahayn.

Waxaa jirtey digniinta Oronjada iyadoo golaha degaanka go’aan kama dambayn ah laga dhowrayo 12:00 xilliga Talyaaniga oo ay daqiiqado ka harsan yihiin.

b b b1 b2 b3 b4 b5 b7 b8

b
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close