Coutinho oo la qalbi jabsan heshiiskii ka bur buray ee uu ugu biiri lahaa Barcelona

phil-coutinho_4f4t6wrtgfj01h5znqeto4dnf

(Liverpool) 10 Sebt 2017. Laacibka Liverpool Philippe Coutinho waxaa niyadda ka dilay heshiiskii bur buray ee Barcelona ku dooneysay xagaagan, sidaas waxaa qortay Don Ballon.

Brazilian-ka waxa uu qabaa in Barcelona ahayd in ay dalabkaas mid ka xoog badan la timaado oo ay juhdi badan galiso si ay saxiixiisa u hesho.

Wararka waxa ay intaaas  ku darayaan I Coutinho sheegay agaasimeyaasha Barca in ay ku wargaliyeen in uu u saxiixii doono balse heshiisku bur buray.

Hadda waxa uu baaqi ku noqday Liverpool oo uusan wali u safan ciyaar rasmi ah tan iyo inta ay bilowdeen wararka bixitaanka la xiriirinaya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close