Borussia Dortmund oo wajahaysa dhibaato ka hor kulamada Tottenham iyo Real Madrid

(Dortmund) 10 Seb 2017 Kooxda Borussia Dortmund ayaa wajahaysa dhibaato culus ka hor kulamada wareega guruubyada ee Champions League.

Borussia ayaa shaacisay in kabtankooda Marcel Schmelzer uu garoomada ka maqnaanayo mudo dhan 6-isbuuc taas oo dhabar jab u ah.

Wuxuuna seegi doonaa kulamada Champions League ee Tottenham iyo Real Madrid oo ah kulamo aad u adag.

Sidoo kale waxaa shaki wayn laga muujinayaa suurogalnimada Marc Bartra uu uga qayb qaadan karo kulanka arbacada ee Tottenham.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close