EPL: Chelsea oo guul muhiim ah ka gaartay Leicester City +SAWIRRO

(Leicester) 09 Seb 2017 Blues ayaa guul muhiim ah ka gaartay dhigeeda Leicester City oo ay marti u ahayd, waxayna ugu awood sheegatay 2-1.

Labada kooxood ayaa ciyaarta ku soo galay weerar iyo weerar celis, waxayna iska khasaariyeen fursado badan.

41 daqiiqo Alvaro Morata ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Chelsea kadib markii uu madaxeeyay kubadd uu ka helay Azpilicueta, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

Leicester City ayaa isku dayday inay soo gudo goolka looga hormaray laakiin uma suurogalin, qaybtii hore ayaana lagu kala nastay 1-0.

Qaybtii labaad, 50 daqiiqo Kante ayaa hogaanka u sii dheereeyay Chelsea kadib markii uu shuud xoogan daba mariyay goolhayaha, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-0.

62 daqiiqo Vardy ayaa gool u soo celiyay kooxdiisa Leicester City kadib markii uu shabaqa ku hubsaday gool ku laad loo dhigay, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 2-1.

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday Chelsea.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close