AC Milan oo Inter ku haysata Vidal laacibiin kalana doonaysa!

(Milano) 09 Sebt 2017 – Kooxaha Milanese-ka ah ee AC Milan iyo Inter Milan ayaa dagaal ugu jira helitaanka laacibka khadka dhexe ee Bayern Munich ee Arturo Vidal, balse waa xagaaga soo aaddan haddii ay usoo baxaan Champions League.

Sida ku dhigan Tuttosport, kooxda Rossoneri ayaa si buuxda u doonaysa laacibka caalamiga ah ee reer Chile, kaasoo uu qandaraaskiisa Bayern Munich dhacayo bisha Juun 2019, iyadoo la filayo inuu sanadka xiga tegayo haddii aan qandaraaska loo kordhinin.

Vidal ayaa abaal marin looga dhigayaa kooxda Vincenzo Montella haddii ay usoo baxdo Champions League, iyadoo sidoo kale doonaysa Milinkovic-Savic iyo Jakub Jankto.

Inter ayaa xagaagii aad u doonaysay Vidal oo horay uga soo ciyaaray Serie A isagoo Scudetto la qaaday Juventus.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close