XOG: Kordhinta qandaraaska Suso oo la isku afgartay (Goorma ayaa la saxiixayaa?)

(Milano) 08 Sebt 2017 – Waxaa lasoo werinayaa in Jesús Joaquín Fernández Sáenz de la Torre Suso uu ogolaaday in loo kordhiyo qandaraaska uu kula joogo AC Milan, kaasoo qalinka lagu aasi doono todobaadka xiga.

Garabkan reer Spanish ayaa beryahanba wada hadallo kula jirey kooxdiisa, iyadoo haatan uu Calciomercato.com uu werinayo in xalay la is afgartay isagoo qoraya in SUSO ogolaaday in uu qandaraaska gaarsiiyo ilaa 2022.

 

Heshiiska cusub ayaa sare u dhigaya qandaraaska laacibka oo ka dhaqaaqaya €1m ilaa €3m, oo ay bareemiyo ku jirto, taasoo ka dhigaysa laacibka 3-aad ee kooxda ugu mushaharka badan kaddib Leonardo Bonucci, Gianluigi Donnarumma, Lucas Biglia iyo Nikola Kalinic.

Warsidaha ayaa intaa raacinaya in qandaraaska la saxeexi doono middood Talaadada ama Arbacada soo aaddan, iyadoo qandaraaska la rasmiyayn doono dabayaaqada bishan.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close