Man Unted oo iska diiday fursad ay kula soo saxiixan kartay Zidane iyo sababta oo daaha laga rogay

fer

(Manchester) 08 Sebt 2017. Manchester United ayaa diiday fursad ay kula soo saxiixan kartay Zinedine Zidane ka hor inta uusan ku biirin Juventus 1996-dii.

Tababaraha iminka ee Real Madrid ayaa waqtigaa ka soo tagay naadiga Bordeaux isla markaana ku soo biiray camaaliqada Talyaaniga kaddib markii ay Red Devils diiday inay u soo dhaqaaqdo saxiixiisa.

Tababare Sir Alex Ferguson ayaa dareensanaa in Zidane uusan boos uga banaaneyn kooxdiisa maadaama uu kolkaa goobta ka kaabeenayay xiddiga ay isku dhalashada ahaayeen ee Eric Cantona.

“Zidane iyo Eric waxay ka ciyaarayeen isku boos, Ferguson ayaana dareensanaa haddii ay keenaan Zidane ay murjineyso Eric Contana,” Guddoomiyihii hore ee Man United Martin Edwards ayaa sidaa u sheegay BBC Radio 5 Live.

“Waa shaleyto iyo wax laga qoomameeyo haddii dib loo eego waayo Contana sanad uun kaddib wuu ka fariistay ciyaaraha, Zidane ayaana ka yaraa oo ciyaaraha sii wadan karay.”.

Zidane ayaa shan sano ku soo qaatay kooxda Juventus, isagoo kula soo guuleystay labo jeer horyaalka Serie A, Italian Cup iyo Intertoto Cup.

Wuxuu dabadeed ku biiray Real Madrid halkaa uu ku dhammeystay ciyaarihiisa, wuxuuna kula guuleystay La Liga iyo Champions League iminkana waa macallinkooda oo uu la sameeyay taariikh cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close