Maamulka Juventus oo durba sii diyaarinaya macallinkii u bedeli lahaa Max Allegri!

(Torino) 08 Sebt 2017 – Kooxda Juventus ayaan doonaynin in qafladi ku dhacdo kaddib Allegri, waloow macallinka reer Livorno uu qandaraaskiisu dhacayo 2020, misna La Repubblica, ayaa dhigaya inaysan u badnayn inuu sanadahaa ku dhamaysto Bianconero, sidaa darteed hoggaanka kooxda Piedmontese-ku waxay horraanba isha la raacayaan Simone Inzaghi.

Macallinka haatan ee SS Lazio ayaa qandaraas kula jira kooxdiisa ilaa 2020, yeelkeede, Marotta iyo Paratici ayaa la dhacsan taatikada, qaab ciyaareedka, laacib soo saarista iyo muwaafaqada iyo miisaanka ciyaareed ee uu Inzaghi kooxdiisa u sameeyay iyagoo Juve ka qaaday Italian Supercoppa iyo sida uu ciyaartaa u diyaariyay.

Qisada Allegri iyo Juve ayaa la rumaysan yahay inay soo socon karto hal ama 2 xilli-ciyaareed oo dheeraad ah, iyadoo markaa kaddib uu durba soo boodayo magaca macallin yarahan Inzaghi, balse lama oga sida ay ku dhamaan doonto.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close