Lukaku oo daaha ka rogay sababta uu u diidi waayay inuu markale dib ula midoobo Mourinho

(Manchester) 08 Sebt 2017. Jose Mourinho ayaa la xusuustaa inuu si araxan darro ah Lukaku uga diray Chelsea mar uu macallin ka ahaa.

Laakiin dhaliyaha reer Belgium ayaa sheegay inuusan ka labo labeyn inuu dib ula shaqeeyo Jose kaddib markii uu xagaagan 75 milyan ugu soo biiray Man United isagoo ka yimid dhanka Everton.

Lukaku oo ka sheekeynaya sababta uu u diidi waayay dalabka Jose ayaa yiri:

“Tan iyo 11-jirkeygii ayaan doonayay inaan u ciyaaro Mourinho, marka aad hesho fursad ceynkaa oo kale ah, Maya ma oran kartid. Dhabtii waan ka mahdinayaa fursada labaad.

joooose

“Waad ogtahay in waxa lagaa filayo ay aad u sarreeyaan marka aad u ciyaareyso Man United. Laakiin dhabtii maskax ahaan waan isku diyaariyay, waxaan sugayay uun inay fursadu timaado.

“Mourinho had iyo jeer waa isla sidiisii, maalin kasta ciyaartoydiisa wuxuu ka doonayaa tan ugu fiican.

“Ciyaartoydiisa ma siiyo waqti ay garoonka ugu nastaan. Wuxuu qof kata ka doonayaa inuu ku dagaalamo tababarka iyo kulankaba.

“Garoonka bannaankiisana dhabtii waa sida qoys oo kale, qof aad la hadli karto aad ku dhihi karto wax kasta oo aad doonto isla markaana ku dhageysanaya.

Lukaku wuxuu dhaliyay saddex gool saddexdiisii kulan ee ugu horreysay Premier League kal ciyaareedkan cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close