Ivan Perisic oo heshiis waqti dheer u saxiixay Inter Milan

DJNIqtCW4AQxMz8

(Milano) 08 Sebt 2017.  Ivan Perisic ayaa heshiis waqti dheer ah qalinka ugu duugay Inter Milan isagoona meel iska dhigay wararkii la xiriirinayay Man United.

Laacibka ayaa u saxiixay kooxdiisa heshiis ku eg ilaa 2022.

Xiddiga reer Croatia ayaa ku sheegay sababta uu ku diiday kooxda Jose Mourinho inuu dhiiro galin hor leh ka helay tababaraha cusub ee loo magacaabay Inter Milan ee Luciano Spalletti.

Ivan Perisic explains why he snubbed Man Utd after signing new contract

Perisic ayaa xaaladiisa cakrineyd kala showray saaxiibadiisa kooxda gaar ahaan goolhaye Samir Handanovic wuxuuna sharxay  inuu laacib ahaan sii hor mari karo inta uu ka hoos shaqeynayo Spalletti.

Laacibka ayaa markii uu saxiixay heshiiska cusub sidoo kale sheegay inuu iminka aad u faraxsan yahay isla markaana ay ka hareen jahwareerkii suuqa xagaaga isla markaana waxa kaliya uu iminka ka fikirayo ay tahay garoonka iyo kooxdiisa Inter.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close