Mourinho oo waqti uu isku muujiyo u qabtay Luke Shaw

Image result for Luke Shaw and mourinho

(Manchester) 07 Seb 2017 Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa waqti kama danbays ah u qabtay daafaca kooxdiisa ee Luke Shaw.

Jose Mourinho ayaa soo muujiyay inuusan ku qanacsanayn qaab ciyaareedka 22 jirka reer ingiriis tan iyo markii uu yimid Old Trafford xiliciyaareedkii hore.

Image result for Luke Shaw and mourinho

Sida ay baahisay Mirror, Tababare Jose Mourinho ayaa u sheegay Luke Shaw inuu is muujiyo ilaa bisha Janaayo ee 2018 haddii uu doonayo inuu sii xirnaado funaanada kooxda.

Tababaraha reer Portugal ayaana u dhaqaaqi doona soo xerogalinta Danny Rose haddii Luke Shaw uu samayn waayo wax hormar ah bilooyinka ka harsan suuqa kala iibsiga ee bisha janaayo.

Qandaraaska Luke Shaw ee Man United ayaa dhacaya 2019, Mourinho ayaana sugaya ilaa bisha janaayo si uu go’aan uga gaaro mustaqbalka laacibka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close