Marco Asensio oo ku guulaystay laacibka Bisha ee Real Madrid

(Madrid) 07 Seb 2017 Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaacisay in laacibkooda da’da yar ee Marco Asensio uu ku guulaystay laacibkii ugu fiicna kooxda ee bishii August.

Abaal marinta bil laha ah ee kooxda Real Madrid ayaa lagu magacaabaa “Mahou”, waxaana bishii dhamaatay ku guulaystay Marco Asensio.

Marco Asensio

21 jirkaan ayaa ka caawiyay kooxdiisa ku guulaysigii Super Cup-ka Spain, sidoo kale guul daro ayuu ka badbaadiyay Real Madrid kulankii Valencia.

Wuxuuna noqday laacibkii ugu wax qabadka fiicnaa ciyaartoyda kooxda bishii dhamaatay ee August.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close