Maamulka Isboortiga gobolka Banaadir oo sheegay in dib loo dhigay Finalka ciyaaraha degmooyinka

21458593_1462367717185747_852115567_o

(Muqdisho) 07 Sebt 2017.Maamulka Isboortiga gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in uu baaqday kullankii Finalka oo ay wada ciyaari lahaayeen degmooyinka Hodan iyo Waabari.

Finalka ayaa loo qorsheeyay in uu dhaco xilli habeen waxaana shaqo xoogan ay ka socotaa garoonka Koonis degmada Cabdicasiis.

Kama dambeysta tartanka ayaa lagu ballansanaa caawa, ha yeeshee Maamulka Isboortiga gobolka Banaadir ayaa sheegay  in leerar  awood badan lagu xirayo garoonka si loo helo muuqaal qurxoon.

Sikastaba Ciyaarta Finalka ayaa la ciyaari doonaa habeen dambe sida uu inoo xaqiijiyay Xasan Wiish oo ah guddoomiyaha Isboortiga gobolka Banaadir.

21441213_1462368107185708_856942225_o

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close