Klopp oo kala hadlay ciyaartoyda Liverpool arinka Coutinho ka hor kulanka Man City

Klopp Coutinho

(Liverpool) 07 Seb 2017 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka codsaday ciyaartoyda kooxdiisa inay caawiyaan saaxiibkood Philippe Coutinho.

Klopp ayaa sugaya in Philippe Coutinho uu dib ugu soo laabto tababarka Liverpool kadib markii uu ka soo caafimaaday dhaawicii dhabarka isla markaana uu u ciyaaray xulkiisa Brazil sida ay baahisay The Sun.

cou

Tababaraha reer Jarmal ayaa ka codsaday ciyaartoyda kooxdiisa inay caawiyaan Coutinho si laacibku uu uga gudbo niyad jabkii uu ka qaaday fashilkii ku yimid heshiiskii uu ugu biiri lahaa Barcelona.

Sidoo kale taageerayaasha ayuu ka codsan doonaa inaan wax cadaadis ah la saarin Philippe Coutinho kadib markii uu go’aansaday inuu ka tago kooxda suuqii soo xirmay balse uu ku fashilmay.

Waxaana la filayaa in tababare Klopp uusan ku soo bilaabin kulanka sabtiga ee Man City ciyaartoydiisa kala ah Philippe Coutinho iyo Firmino kadib safar dheer oo ay uga imaanayaan Brazil.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close