Julian Draxler oo qirtay inuu sugayay dalab uga yimaada Barcelona ilaa daqiiqadii ugu danbaysay ee suuqa

Julian Draxler

(Barcelona) 07 Seb 2017 Laacibka reer Jarmal ee Julian Draxler ayaa qirtay inuu sugayay kooxda Barcelona ilaa dhamaadka suuqii soo xirmay.

Mundo Deportivo ayaa baahisay in Julian Draxler uu u sheegay dadka ugu dhaw xulka Jarmalka sida goolhaye Ter Stegen inuu filanayay in Barcelona ay dalab ka soo gudbin doonto.

Julian Draxler

Laacibka ayaa dareensanaa in Barcelona aysan u fududaan doonin saxiixa Coutinho iyo Angel Di Maria, sidaas darteed wuxuu filanayay inay isku dayi doonaan isaga saxiixiisa.

Laakiin Barcelona ayaan samayn isku daygii uu filayay Julian Draxler kaas oo ku qasbanaaday inuu iska sii joogo kooxdiisa PSG.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close