DEG DEG: Kooxaha Premier League oo isku raacay in suuqa kala iibsiga la xiro ka hor inta uusan bilaaban xiliciyaareedka cusub

(London) 07 Seb 2017 Dhamaan kooxaha ka ciyaara Premier League ayaa isku raacay in la xiro suuqa kala iibsiga ka hor inta uusan bilaaban xiliciyaareedka cusub.

Sida caadada ahayd, suuqa kala iibsiga ayaa xirma iyada oo uu socdo xiliciyaareedka cusub mudo bil ka badan, laakiin kooxaha horyaalka ingiriiska ayaa go’aansaday inay samaystaan sharci ka duwan kii hore.

Sida lagu baahiyay Web-ka Premier League, kooxaha ayaa isku raacay in la xiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda galabka Khamiista marka saacadu tahay 7-da fiidnimo ee waqtiga geeska Afrika oo ah maalinta ka horaysa waqtiga uu furmayo xiliciyaareedka cusub ee horyaalka ingiriiska.

Sharcigaan ayaa ah mid dhaqan galaya bilowga xiliciyaareedka dambe ee 2018/2019, sharciga ayaana quseeya kaliya wax soo iibsiga kooxaha Premier Laegue oo kaliya laakiin in iyaga laga iibsado ciyaartoy waa mid u furan.

suuqa soo socda ee xaggaaga dambe ayaana xirmi doona 9-August 2018, maalin Khamiis ah saacaduna tahay 5-ta galabnimo ee waqtiga UK una dhiganta 7-da fiidnimo ee waqtiga geeska Afrika.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close