Coutinho iyo Chamberlain oo ka soo muuqday tababarka Liverpool ee ka hor kulanka Man City

(Liverpool) 07 Seb 2017 Saxiixa cusub ee kooxda Liverpool Alex Oxlade-Chamberlain ayaa ka soo muuqday tababrkii saaka ee kooxdiisa cusub.

Liverpool ayaa isku diyaarinaysa kulan adag oo sabtiga ay u martin doonto waqti hore kooxda tababare Pep Guardiola ee Manchester City.

Philippe Coutinho oo ku guul daraystay inuu ka tago Liverpool suuqii soo xirmay ayaa markii ugu horaysay xiliciyaareed kaan ka soo muuqday tababarka kooxda.

Laacibka ayaa wajigiisa laga dheehan karay sida uu ugu faraxsanyahay kooxdiisa, mana jirin murug laga aqrisan karay wajigiisa sida kaaga muuqanaysa sawirrada.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close