Sacuudiga oo markii ugu horreysay u soo baxay koobka adduunka tan iyo 2006…+SAWIRRO

DJAR1RFWsAQzJ5_

(Jeddah) 06 Sebt 2017. Dalka Saudi Arabia ayaa markii ugu horreysay u soo baxay koobka adduunka tan iyo 2006 kaddib markii ay 1-0 ku mareen xulka Japan ciyaar ka dhacday magaalada Jeddah.

Sidoo kale dalka Sacuudiga ayaa noqday dalka carbeed ee ugu horreeyay ee u soo baxa koobka adduunka ee 2018.

Ciyaartan ka dhacday gegada King Abdulah Sports City ayaa waxaa goolka madiga ah xulka Sacuudiga u dhaliyay weeraryahankooda Fahad Al-Muwallad daqiiqadii 63-aad kulan ay soo xaadireen 62,165 taageerayaal si ay goob joog uga noqdaan xulkooda oo u soo baxaya koobka adduunka.

Xulka Japan ee laga adkaaday ayaa qudhiisa xaqiiqsaday booskiisa koobka adduunk ee lagu qabanayodalka Ruushka sidoo kale waxaa ilaa iminka boosaskooda xaqiiqsaday xulalka Iran, South Korea, Brazil, Mexico, Belgium iyo marti galiyayaasha koobka ee Russia.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close