Ronaldinho oo sheegay sababta uu Coutinho ololahan wax walba ugu sameyn doono Liverpool

Brazils-Philippe-Coutinho-celebrates-af

(Liverpool) 06 Sebt 2017. Ronaldinho waxa uu aaminsan yahay in Philippe Coutinho uu wax walba u sameyn doono Liverpool – laakiin waa Koobka Aduunka daraadiis.

Aragtida Ronaldinho waxa ay meesha ka saartay in dal wadaagiisa diidmo la imaan doono.

Coutinho waxa uu ku soo laabtay Liverpool maanta isaga oo ka yimi Brazil oo uu waajibaad qaran ugu maqnaa, Ronaldinho waxa uu yiri: “Sababtan waxa ay arki doonaan isaga oo wax walba kooxda u sameenaya –  waana noocidda ciyaaryahan ee uu yahay.

“Sidoo kale ma jiro ciyaaryahan diidaya in uu dheelo marka xilli ciyaareedka kaddib uu Koob Aduun jiro.

“Ma jiraan wax ay ka wal walaan jamaahiirta Liverpool – ma aaminsani sheekooyinka ah in uu diidayo u ciyaaridda kooxda. Waan aqaana sidaas ma aha.”

Brazils-midfielder-Philippe-Coutinho-C

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close