‘Madaxweyne maalaayacni ah! Neymar oo weeraray Josep Maria Bartomeu

15046412774368

(Paris) 06 Sebt 2017. Neymar waxa uu maalaayacni ku tilmaamay madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu.

 

Neymar hore ayuu madax xanuun ugu riday madaxda Catalans xagaagan.

 

Paris Saint – Germain ayaa ka iibsatay iyada oo ka dhigtay Laacibka dunida ugu qaalisan laakiin waki fiican kuma bixin.

 

“Qaladka aan sameynay waxa uu ahaa in aan aaminno Neymar iyo Aabihiis,” madaxweynaha ayaa wareysi sidaasi ku sheegay.

15046411839555

 

Hadaladaas waxaa soo xigtay oo taageereyaasha ka wadaagay bogga Instagram-ka ah ee ‘Esporte Interativo’, Neymar falcelin ayuu ka bixiyey (Comment).

“Madaxweynuhu waa maalaayacni,” ayuu af-Bortoqiis ahaan ku qoray isaga oo soo raaciyey dhawr calaaadood (Waa kuwa baraha bulshada dareenka lagu muujiyo).

 

Isku dhaca taggitaanka Neymar ka dhashay uma muuqdo mid soo gaba gaboobaya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close