War YAAB leh oo ka soo baxaya sheekada Barcelona iyo Coutinho!!!

cou

(Europe) 05 Sebt 2017. Waa sax Liverpool way ceshatay Coutinho oo way uga dhaaratay inay Barcelona ka iibiso intii uu furnaa suuqa kala iibsiga balse sheekadoodu weli ma harin.

Warar cusub oo yaab leh ayaa sheegaya in laacibka reer Brazil uu diidi doono inuu Liverpool u ciyaaro kulamada wareega group yada Champions League si uu bisha Janaayo ugu biiro Barcelona isla markaana ugu ciyaaro wareegyada kala baxa.

Jariiradda Sport ee aad ugu dhow Barcelona ayaa sheeganeysa in Coutinho uu ka fikirayo inuusan u ciyaarin Liverpool wareega group yada ee CL.

Philippe Coutinho was the subject of numerous bids from the Spanish side, but were priced out of a move

Haddii uu laacibkii hore ee Inter Milan u safto kooxdiisa Reds kulamada Sevilla, Spartak Moscow ama Maribor, looma ogolaan doono inuu Barcelona u ciyaaro kulamada wareega kala baxa waa haddii uu bisha Janaayo ku soo biiro camaaliqada Spain.

25 jirka ayaa weli rajeynaya inuu xirto maaliyada kooxda reer Catalonia xilli ay Liverpool diiday dalab kasta oo kaga yimaada Barca.

Waxaa la wariyay in Coutinho uu ku hor ooyay xiddigaha xulka Brazil kaddib markii uu ogaaday inay bur burtay riyadii uu ugu dhaqaaqi lahaa Nou Camp intii uu suuqa furnaa, waxaa kaloo xusid mudan inuu warqad codsi ah u gudbiyay Liverpool taa uu kaga tagayo gegada Anfield.

Sikastaba, Coutinho ayaan weli wax kulan ah u ciyaarin kooxda Jurgen Klopp inkastuu u saftay xulkiisa Brazil isla markaana gool u dhaliyay ciyaartii ay 2-0 uga adkaadeen Ecuador isreeb reebka koobka adduunka.

The Brazilian playmaker is determined to sign for La Liga side Barcelona in January after being denied a move this summer

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close