Matic oo magacaabay ciyaaryahanka Manchester United ee uu yaraantiisii ku dayan jiray

Swansea City v Manchester United - Premier League

(Manchester) 05 Sebt 2017. Nemanja Matic, saxiixa cusub ee Manchester United waxa uu sheegay in waligii uu si dhaw ula socday Manchester United isaga oo ku dayan jiray Roy Keane.

Laacibka reer Serbia waxa uu xagaagan Man United uga soo biiray Chelsea.

Saddexddii kulan ee uu horyaalka saftay United wax gool ah lagama dhalin waxa ayna uruursatay 9 dhicood, Matic durba caan ayuu ka noqday Strenford End.

Matic waxa uu iminka diyaar ugu jiraa kulan uu uga horimaanayo Republic of Ireland oo uu caawiye ka yahay halyeygii Man United, Roy Keane.

Isaga oo ka hadlaya ciyaarta, Matic waxa uu fursadda uga faa’ideystay in uu amaan ugu qubeeyo Keane.

Manchester United v Sparta Prague

“Waan ku farxi doonaa in aan arko Keane oo aan la sheegeysto, ayuu 29 jirka yiri.

“Waa halyey Mancehster Unitd ah waxa uuna u ciyaaray muddo dheer.

“Markii aan yaraa, oo aan bilaabay ciyaaridda Kubadda Cagta, waxa uu jogay heerkiisii ugu wacnaa, mid ka mida xiddigaha ugu wacnaa khadka dehxe ee Premier League-ga.

“Waxaan isku dayey in aan wax wacan ka qaato ciyaaryahan walba si aan nafsadeyda u horumariyo, waxa uuna ahaa mid ka mida. Waxaan hadda ku faraxsanahay in aan u ciyaarayo isla kooxdii uu u dheelay.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close