DAAWO SAWIRRADA: Degmada Hodan oo iska xaadirisay Finalka tartanka  k/cagta degmooyinka gobolka Banaadir

(Muqdisho) 05 Sebt 2017. Degmada Hodan ayaa si dhib leh ugu soo baxday Finalka tartanka Degmooyinka kaddib ciyaar la isku rafaaday ay rigoorayaal uga adkaadeen Kaaraan.

Qeybtii hore ee dheesha ayaalagu kala nastay 1-0, oo ay ku hoggaamineyso degmada Kaaraan waxaana goolka u dhaliyay xiddiga  Maslax Cabdi Shiikh oo weerarka ugu ciyaara.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee kullanka degmada Hodan ayaa soo qaaday weeraro is daba joog ah iyadoo ugu dambeyn la timid goolkii bar baraha.

Kulanka ayaa waqtiga caadiga ah ku idlaaday bar baro 1-1.

Rigoorooyin la isla aaday kaddib waxaa lagu kala baxay 11 iyo 12 waxaana Final ka sidaa ugu soo baxay Hodan oo la balansan Waaberi oo iyadu shalay isa soo taagtay Finalka kaddib markii ay ka soo adkaatay Hiliwaa.

IMG_7128 - Copy IMG_7134 IMG_7136 IMG_7137 IMG_7140 IMG_7145 IMG_7147 IMG_7155 IMG_7156 IMG_7157 IMG_7159 IMG_7161 IMG_7162 IMG_7163 IMG_7171 IMG_7172 IMG_7173 IMG_7181 IMG_7184 IMG_7186 IMG_7198 IMG_7205 IMG_7215 IMG_7226 IMG_7235 IMG_7236 IMG_7251 IMG_7253 IMG_7254 IMG_7262 IMG_7271 IMG_7275 IMG_7278 IMG_7284 IMG_7288 IMG_7299 IMG_7302 IMG_7322 IMG_7325 IMG_7330 IMG_7333 IMG_7337 IMG_7339 IMG_7356 IMG_7358

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close