Antonio Conte oo qorshaynaya inuu ka tago Chelsea

Image result for antonio conte

(London) 05 Seb 2017 Tababaraha reer talyaani ee Antonio Conte ayaa qorshaynaya inuu isaga tago kooxdiisa sida ay baahisay Daily Star.

Antonio Conte ayaa xiiso wayn ka helaya kooxaha dalkiisa sida AC.Milan iyo Inter oo si wayn u doonaya saxiixiisa.

Wariye u dhashay talyaaniga oo la hadlay Star ayaa yiri:

“Ififaalaha Conte uu kula sii joogi karo Chelsea xiliciyaareedka dambe waa mid aad u liita, marka la fiiriyo xiisaha balaaran ee uu ka helayo kooxaha ugu tunka wayn talyaaniga”.

“Barcelona ayaa sidoo kale xiisaynaysa saxiixiisa haddii uu go’aansado inuu ka tago Chelsea” ayuu sii raaciyay.

Antonio Conte ayaa u muuqda mid aan ku qancin qaabkii kooxdiisu ay uga soo dukaamaysatay suuqii soo xirmay, sii joogidiisa ayaana ah mid ku xiran wax qabadkiisa xiliciyaareed kan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close