Xulka Talyaaniga oo durba diyaarsanaya garoonkii uu ku dheeli lahaa kulanka kala baxa KA2018 (Garoomada sharraxan)

(Roma) 04 Sebt 2017 – Xulka Talyaaniga ayaa u muuqda mid 19 sano kaddib markii ugu horreeysey dheeli doona kulan kala bax ah (play off) kaddib markii ay Axaddii ka badiyeen xulka Spain oo sidaa kusoo afjaray 11 sano oo aan Talyaaniga looga adkaanin kulan isreeb reeb ah.

Xiriirka Talyaaniga ayaa sidaa darteed u muuqda mid aqbalay inaanu Spain soo qaban karin maaddaama ay 3 kulan oo qur ihi hareen, isla markaana xitaa haddii uu Spain soo qabto looga roon yahay dhanka farqiga goolasha.

Xiriirka FIGC ayaa doonaya inuu midkood sii xaarxaarto garoomada Stadio San Siro oo Milano ah iyo Stadio Olmypico oo Roma, iyadoo markii ugu dambaysay ee ay Talyaanigu Play off ciyaaraan ay ku beegnayd 1998-kii.

Su Spagna-Italia dilagano le ironie del web: Ventura nel mirino

Talyaaniga oo 4 dhibcood ka sarreeya Albania oo guruubka 3-aad uga jirta ayaa xulalka ay isku aad karaan waxaa ka mid ah Sweden, Slovakia iyo xulal kale.

b

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close