Wenger oo dajiyay qorshihii uu ku badbaadin lahaa xiliciyaareedka Arsenal

Wenger 6

(London) 04 Seb 2017 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa dajiyay qorshihii uu ku badbaadin lahaa xiliciyaareedka kooxdiisa.

Arsenal ayaa ku bilaabatay qaab liita xiliciyaareed kaan cusub, waxayna guul daraysatay laba kulan oo xiriir ah furitaankii horyaalka.

wenger 1

Arsene Wenger ayaa qorshaynaya inuu kulan wayn la qaato dhamaan ciyaartoyda kooxdiisa marka laga soo laabto ciyaaraha xulalka sida ay baahisay The Sun.

Wenger ayaana kala hadlaya ciyaartoyda sidii loo badbaadin lahaa xiliciyaareedka kooxda, isla markaana loo dajin lahaa niyada taageerayaasha caraysan.

Arsenal ayaa lugaha kula jirta xaalad fawdo ah kadib mustaqbalka Sanchez iyo Ozil oo uu mugdi hareeyay iyo ciyaartoyda kale ee kooxda oo ku jahwareersan xaalka kooxda.

Tababaraha reer France ayaana isku dayaya inuu dhiirogaliyo ciyaartoydiisa ka hor kulanka ay la ciyaarayaan Bournemouth.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close