“Wax ka galay malahan haddii ay dhaawacyo na soo gaaraan.”. Luka Modric oo si xun u weeraray FIFA

Modric

(Europe) 04 Sebt 2017.  Laacibka loo doortay inu yahay qadkii dhexe ee ugu fiicnaa Champions League ee Luka Modric ayaa six un u weeraray xiriirka kubbada cagta adduunka ee FIFA.

Waxaa la baajiyay oo misane durba la abaabulay in dib loo ciyaaro kulan u dhexeeyay xulka Croatia iyo Kosovo ciyaar ka tirsanayd isreeb reebka koobka adduunka oo markii hore loo baajiyay sababo roobab xoogan oo ka da’ayay magaalada Zagreb.

Modric ayay aad uga careysiisay in halis lagu galiyo inay ku ciyaaraan garoon khatartiisa leh isagoona cambaareeyay xiriirka FIFA.

After officials made an in-match decision, both teams took the long walk back down the tunnel

“Wixii nagu dhacay innaga waxay na saameeyeen intii lagu guda jiray kulanka, habeenkii sabtida waxaa naloo sheegay  inaynaan ciyaareyn, jiif ayaana kala aadnay labo ama saddex saac kaddib,” Modric ayaa sidaa yiri.

“Subaxanna waxaan hurdada ka soo kacnay sida inaan Ciidanka ku jirno maxaa yeelay maanta ayaa kulanka la ciyaarayay.

“Ma ahayn isdiyaarinta saxda ah oo kulan sidan u muhiim ah, FIFA waxay markale muujisay inaysan waxba ka galin ciyaartoyda maadaama kulanka la ciyaaray.

“Khatar ayay ahayd in lagu ciyaaro garoonkan laakiin FIFA waxba kama galin haddii uu ciyaaryahan dhaawac soo gaaro.”.

Xulka Modric ee Croatia ayaa dheeshaasi ku adkaaday 1-0.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close